U bood dhigaalka

Munaasibad Ay Ku Qalin Jabiyeen In kabadan 800-arday Oo Wax Ka Baratay Jaamacadda SIU Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Sheeko:Waxbarashada

Waxaaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasibad ay ku qalin jabinayeen in ka badan 800- arday kuwaas oo dhameysatay heerka Koowaad ee waxbarashada Jaamacadda.

Ardaydan oo wax ka baratay Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya (SIU), ayaa ka qalin badashay dhamaan kuliyada ay bixiyo Jaamacadda.

Xafladda ardaydan oo ka qabsoomtay Hoolka weyn ee Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, Maamul Jaamacadda, Waalidiin iyo Marti sharaf kale.

Furitaanka Munaasibadda ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay Mas’iiuliyiinta iyo maamulka Jaamacadda.

Madaxda xafiiska diiwaan gelinta Jaamacadda SIU ayaa sheegay in ay dufcadda qalinjabineyso ay gaarayaan illa iyo 827 oo arday ah kuwaas oo 564 ay yihiin rag halka inta kale ay yihiin Gabdho.

Siihayaha Xafiiska guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya, ahne guddomiye ku-xigeenka Jaamacadda Mudane Maxamed Yuusuf Sheikh Cumar, ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay dhamaan ardayda Jaamacadda ka qalan jabineysay dadaalka iyo horumarka ay gaareen.

Qaar ka mid ah waalidiinta caruurtooda ay ka qalin jabisay Jaamacadda ayaa dhankoda ka hadlay dareenkooda ku aaddan farxadda Caruurtooda.

Aabbe Axmed Cabdi Jaamac oo ay Jaamacadda Shalay u dhameysay Laba gabdhood oo uu dhalay ayaa kula dardaarmay Ardayda in ay dadaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Axmed Jaamac ayaa waxaa jaamacadda SIU uga qalin jabiyay laba gabdhood oo uu dhalay kuwaas oo kala ah Xamdi Axmed Cabdi Jaamac iyo Deeqa Axmed Cabdi Jaamac.

Ugu Dambeyn Munaasibaddan ayaa Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay waxa ay ugu baaqeen ardayda in ay dadaalkooda iyo mustaqbalkooda sii horumariyaan.

Sawirada Xafladda