U bood dhigaalka

Farmaajo oo Fowdiiste Isku Badalay

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saacadihii tagay aqbalay xil ka qaadista uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble ku sameeyey madaxii hore ee basaasiinta Fahad Yaasiin, taasi oo ka dhiggan in lasoo afjaray 4 sano oo Fahad ahaa milkiilaha dowladda federaalka ah, isla markaana uu hey’adda ka dhigay mid siyaasadeysan.

Farmaajo keliya kuma ekaan aqbalaadda xil ka qaadista Fahad ee waxaa uu xilka agaasimaha NISA u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, arrintaas oo kahor imaaneysa tallaabada uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble isna maalin hor isla jagada ugu magacaabay NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac.

Saacado kadib go’aanka Farmaajo, waxaa qoraal soo saaray Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble isaga oo soo dhoweeyey Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, laakin waxaa uu iska diiday in Yaasiin Fareey oo lug dhigo hey’adda, waxaa uuna faray Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amray in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac.

Ra’isul wasaare Rooble, ayaa ka walaacay talaabooyinka uu qaaday Farmaajo isaga oo intaa raaciyey  in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

Arrimahan dhacay saacidihii tagay ayaa waxaa ka horeeyey in ra’isul wasaare 6-dii bisha uu shaqada ka ceyriyey Fahad isla markaana uu magacaabay Bashiir Goobe taasi oo careysiisay Farmaajo, keentana uu dhaho Fahad hasii wato shaqadiisa.

Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa hoggaanka amniga iyo doorashada dalka kala wareegay Farmaajo May 1, 2021-kii kadib markii uu sidaasi ogolaaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, laakin waxaa muuqata in Farmaajo uu mar kale awood raadinayo isaga oo fowdo ka dhex bilaabay hey’adaha dowladda.

Midowga musharaxiinta oo qoraal soo saaray ayaa taageeray tallaabada ra’isul wasaare Rooble, waxaa isla sidaasi sameeyey aqoonyahanka iyo abwaannada Soomaaliyeed iyo xataa hoggaanka beesha Hawiye.

Dhankeeda beesha caalamka, oo qoraal soo saartay ayaa ku baaqday in la joojiyo wax walba oo kicin kara colaad iyo iska hor imaad.

Isjiid-jiidka labada nin ayaa laga cabsi qabaa iney mugdi geliso doorashada 2021-ka ama keentaba in noqoto doorashadan oo hadda socoto bil iyo 10 maalin midd ugu waqtiga dheer caalamka.

Goobjoog News