U bood dhigaalka

Sawirro:  Qarax Khasaare Geystay oo Goordhow ka Dhacay Waaberi

Qarax xooggan ayaa la sheegayaa in goordhow uu ka dhacay agagaarka Ceel-gaabta ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay xarun baaris oo ciidamada amniga ku lahaayeen agagaarka iskuulka Raage Ugaas.

Ma jirto warar rasmi ah oo kasoo baxay hey’adaha amniga, laakin werarka ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay mashquul aheyd, uuna jiro khasaare naf iyo hanti leh.

Wixii warar ah oo kasoo baxa, kala soco Goobjoog News