U bood dhigaalka

Rooble Oo Lakulmay Guddiga Amniga Doorashooyinka.

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay u diyaar garowga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, ooo Taliska Booliiska heer Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada, Booliska AMISOM iyo Booliska QM oo hab farsamo ku tageeraya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xajaar ayaa tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha ay u gudbiyeen warbixino ku aadan baahidooda dhinacyada sugidda amniga, isla markaana ay diyaar u yihiin fulinta howsha loo xil saaray ee ah ammaanka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo faray in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.

 

GOOBJOOG NEWS