U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Berri Xuseysa Maalinta Tirakoobka Afrika

Sheeko:Amniga

Maalintan oo la xuso November 18 sanad walba waxaa iska kaashanaya hey’adda qaran ee Tirakoobka iyo UNICEF, waxaana sidoo kale kasoo qeyb galaya Kate Foster, safiirka UK ee Soomaaliya.

Waxaa looga hadli doona sida loo casriyeeyo tirakoobka iyo sida arrintaas loogu adeegsan karo horumarka Afrika, waxaana lagu wadaa in arrimahaas laga dodo.

Kulanka oo lagu qaban doono Decale Hotel, waxaa kale oo ka qeyb geli doona madax ka socota dowladda federaalka ah oo ay ku jiraan wasiirka maaliytadda iyo xeer ilaaliyaha.

Goobjoog News