U bood dhigaalka

Gariiga Oo Muhaajiriin Soomaaliya Ay Ku Jiraan Dalkiisa Ku Soo Dhaweeyay

Sheeko:Amniga

Dowladda gariigga ayaa dalkeeda ku soo dhaweysay in kabadan 2,00 muhaajiriin magangalyo doon ah kuwaas oo ku yimid socdaal dhanka badda ah.

Dadkan oo ka yimid dalalka Soomaliya, Congo, Afghanistan, Libiya iyo dalal kale ayaa gaaraya 2,200 qof oo muhaajiriin ah.

Saraakiil u hadashay dowladda Gariigga ayaa sheegtay in dadkaan ay dejiyeen jaziiradda Lesbos ee Gariigga loona sameeyay xaalad dib u dejin ah.

Dadkaan oo gariigga ka soo galay dhanka Turkiga ayaa hadda loo sameynayaa diiwaan gelin qaxootinimo si ay u heelan xaqooda magangalyoon.

Gariigga ayaa sanad waliba dalkiisa ku qaabila kumanaan muhaajiriin ah oo ka soo cararay dalalkooda oo ay ka jiran dhibaatooyin dagaal iyo abaaro.

Goobjoog News