U bood dhigaalka

Mucaaradka Oo Shirweyne Qaran Ku Baaqay

Sheeko:Amniga

Midawga musharixiinta xilka madaxweynanimo ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in ay dhawaan qabanayaan shir weyne qaran oo looga tashado aayaha dalka.

Shirka ayaa la sheegay in ay ka soo qeyb galayaan waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale la sheegay in looga tashanayo howlaha doorashooyinka.

Golaha midawga musharixiinta ayaa dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka ku eedeyay in aysan dan ka laheyn doorashooyinka.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka Midawga musharixiinta.