U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Sheegay In Uu Shaqada Uu Ka Joojiyay Rooble

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa wareegta uu soo saaray ku shaaciyay in uu shaqadii ka joojiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa sheegay in Rooble ay ku socoto baaris ku aaddan musuq-maasuq iyo kutakrifal hanti dadweyne isagoo sheegay in uu hakiyay dhamaan awoodaha wasiirka koowaad ee dalka.

“Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Farmaajo.
Farmaajo ayaa sidoo kale amray in golaha wasiirada ay howlahooda shaqo sii wataan inta uu socdo baaritaanada uu sheegay in lagu haayo Rooble.
“Xubnaha kale ee Golaha Xukuumadda waxay sii wadanayaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka,” ayuu yiri markale Farmaajo.
Shaqa ka joojinta madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu sheegay in uu ku sameeyay ra’iisulwasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa cirka ku sii shareertay khilaafka labada xafiis ee dalka laga maamulo.
Goobjoog News