U bood dhigaalka

Bulshada Rayidka Iyo Haweenka Oo Biirtay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Amniga

Shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee magaalada muqdisho maalinti seddaxaad uga socda madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa maanta markale shirka ku biiray xubna ka socda bulshada rayidka iyo Haweenka .

 

” Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.