Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi ayaa shaaciyay habraca iyo jadwalka doorashada 12 kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay Somaliland.
Kuraasta la shaaciyay jadwalkooda ayaa kala ah : HOP#260, HOP#25, HOP#215, HOP#267, HOP#268, HOP#269, HOP#245, HOP#247, HOP#209, HOP#211, HOP#201, HOP#214.

Waxaa hadda afarti sano ee la soo dhaafay galmudug kuraastaan ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah :-
HOP#260: Faadumo Odowaa Raage ayaa ku Gobollada Waqooyi ku metashay Golaha Shacabka.
HOP#257: Cabdalla Xaaji Cali Axmed ayaa ku fadhiya Baarlamaanka 10aad.
HOP#215: Faatix Saciid Xasan ayaa Somaliland ku metalay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya.
HOP#267: Saynab Maxamed Caamir ayaa kursigaan ku fadhisa tan iyo sanadkii 2000.
HOP#268: Maxamed Cali Xagaa ayaa ku fadhiya kursigaan.
HOP#269: Waxaa Gobollada Waqooyi ku metalay Maxamed Cabdullaahi Kaamil.
HOP#245: Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa ku fadhiya Kursigaan.
HOP#247: Khadra Maxamed Tukaale ayaa kursigaan ku metashay Somaliland.
HOP#209: Axmed Dhimbil Rooble Casoowe ayaa ku fadhiya.
HOP#211: Caasho Koos Maxamuud Cumar.
HOP#201: Waxaa ku fadhiya Wasiirkii Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
HOP#214: Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ku metalay Somaliland Golaha Shacabka BFS.