Maxay Kawada Hadleen Rooble iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Ee Qaramada Midoobay?
Sheeko:Dalka
Ra’iisulwasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.
Mas’uulyiinta ayaa kawada hadlay arrimaha abaaraha dalka ka jira ee saamaysay , iyo gurmadka la gaarsiinayo dadkaas abaartu ku habsatay iyo isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.
Gudaha dalka ayaa waxaa ka jira abaar baahsan oo si isku mid ah ugu dhufatay dalka, waxaana abaartu noqotay mid kuwada baahsan, waxaana kulankaan uu imaanayaa iyadoo Rooble uu diray baaq ku aadan u gurmashada dadka Abaartu soo ridatay
Goobjoog News