U bood dhigaalka

Taliye Xijaar oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga xukuumadda federlka Soomalaiya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaqo joojin waxaa uu ku sameeyay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar, wax yar kadib markii uu shir ku sheegay in ciidanka Booliiska uusan damaanad qaadi karin amniga doorashada guddoonka golaha shacabka.

Qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in si kumeel gaar ah loo hakiyay shaqada taliyaha ciidanka waxaana sidoo kale lagu xusay warqadda inuu shaqada sii wadi doono taliye ku-xigeenka  Booliiska, saraakiisha Booliiska iyo nabadsugidda loogu baaqay in ay ka fogaadaan in ay ku milmaan siyaadda gaar ahaan arrimaha doorashada.

Taliyaha ayaa caawa laba jeer oo kala duwan waxaa uu jeediyay hadal ku aadan doorashada guddoonka golaha shacabka, waxaa markii hore uu shreegay in ciidanku diyaar u yihiin amniga guud goobta ay ka dhici doonto doorashada, waxaa xigtay wax yar kadib isaga oo ku dhawaaqay in Booliisku damaanad qaadi karin amniga.

No photo description available.

Goobjoog News