Rooble oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciida
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomalaiya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomalaiyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul fidriga oo maalinta barri looga dabaal degayo caalamul islaami, waxaana uu Allah uga baryay inuu sanadka sanadkiisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku gaarsiiyo nadabd iyo barqaaqo.
“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga. Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo si nabad iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Ra’iisulwasaaraha oo sii hadlayo ayaa yiri” Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda”.