Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Odawaa Iyo Xijaar
Sheeko:Arrimaha Amniga
Guddoomiyaha golaha aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan Muqdisho kula qaatay taliyeyaasha ciidamada Milatariga iyo Booliiska Jeneral Odawaa Yuusuf Raage iyo Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa labada taliye wuxuu kula dardaarmay in siwaangsan ay u gutaan xilka ka Saaran dalka iyo mas’uuliyadda aminga goobta doorashada madaxweynaha oo guddigu shaaciyay goorta ay dhacayso.
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in martigeliso doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda, waxaana doorashadu ka dhacaysaa Teendhada Afisyooni oo horay loogu doortay guddoonka BFS
Goobjoog News