Shiikh Shariif oo Noqday Musharraxii Ugu Horeeyay Ee Isdiiwaangeliyo
Madaxweyneynihii hore dowladdii KMG aheyd Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa maantaa noqday musharraxii ugu horeeyay ee isku diiwaan geliyo tartanka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa qaatay shahaadada muujinaysto musharraxnimada, waxaana la filayaa in saacaadaha soo aadan musharraxiin kale ay isa soo diiwaangeliyaan, si ay uga qeyb galaan doorashada madaxweynaha dalka.
Sheekh Shariif ayaa dalka madaxweynaha dalka loo dooray 31-kii January 2009, waxaana uu xilka ka degay 10-kii Setembar 2012, waxaana hadda uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda markii 3-aad.
Doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ayaa waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo 15-ka bisha May, waxaana Muqdisho ka socda abaabulkii ugu xooganaa oo musharraxiintu ku muujinayaan olalahooda.
Goobjoog News