Madaxweyne Xasan oo Magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta la-taliyaha amniga qaranka, isaga oo u magacaabay Xuseen Macallin Maxamuud oo horay xilkan u soo qabtay.
La-taliyaha la magacaabay ayaa wuxuu baddelay Fahad Yaasiin Xaaji oo xilkan hayay, waqtiyadii ugu dambaysay uu u magacaabay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xuseen Shiikh ayaa ah asaasaha machadka daraasaadka amniga Hiraal oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, waxaana muddooyinkii dambe uu gacanta ku haayay machadka Hiiraal.
Madaxweyne Xasan ayaa maanta magacaabay sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka iyo ku-xigeenkiisa, waxaana loo magacaabay laba Senator oo ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda.
Goobjoog News