Axmed Madoobe oo Lagu Soo Dhoweeyay Dhoobley+Sawirro
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Maamulka Degmada, iyo bulshada qeybaheeda kale duwan ayaa qeyb ka ahaa soo dhweynta hoggaamiyaha Jubbaland iyo wafdigiisa ee gaaray degmada Dhoobley, waxaana xusid mudan in todobaadkii hore ay marti gelisay shirka wasiirrada.
Golaha wasiirrada ee Jubbaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley oo gobolka Jubbada hoose ah iyo Buurdhuubo oo gobolka Gedo ah ay kamid noqdaan degmooyin rasmiga ah ee dowlad goboleedka.
Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada, kuwaas oo dhowaan noqday degmo buuxda una baahan adeegyada dowliga ah.
Goobjoog News