Maraykanka oo Raadinaya Sababta Dhimashada 46 Qof
Booliiska gobalka Texas ayaa baadi goobayay sababta ka dambaysay dhimashada in kabadan 46 qof kuwaas oo maydadkooda laga helay gaari xamuul ah, oo yaallay magaalada San Antonio, ee gobolka Texas.
Qaarkamid saraakiil u hadashay ciidamada Sna Antonio, ayaa sheegay in 16 qof oo ay ku jiraan afar carruur ah loola cararay isbitaalka, kuwaas oo xaaladooda ay halis ay ahayd.
San Antonio, oo ah magaalo 250 km u jirta xadka ay dowladda Maraykanka la wadaagto dhiggeda Mexica, ayaa ah magaalada ay inta badan kooxa wax tahriibiya ay soo marsiiyaan dadka muhaajiriinta ah.
Waxaana la rumaysan yahay in dadkaan ay yihiin kuwa muhaajiriin ah oo doonayay in ay galaan dalka Maraykanka, oo ay u soo haajireen.
Charles Hood, oo ah madaxa shaqaalaha dab damiska San Antonio, ayaa sheegay in ay ciidamada dabdamiska ay yimaadeen goobta dadkaan laga helay kadib markii ay maqleen farriimo muujinaya maydka hal qof in uu yaallo qayb kamid ah magaalada, balse ay dhacdadaan la kulmeen markii dambe.
Cimilada San Antonio waa mid aad u kulul bilaha xagaaga iyadoo heerkulku uu gaaray 39.4C (103F) Isniinta, waxaana la rumaysan yahay in dadka ay intooda badan ay u dhinteen naqaska oo ku dhegay.
Goobjoog News