U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Si-rasmi ah Xilka Loogu Wareejiyay

Munaasabad  maanta ka dhacaday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa sirasmi ah xilka kula wareegay Ra’iisulwasaaraha cusub ee xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaas oo 25-kii bishaan ka helay Baarlamaanka codka kalsoonida, golaha ayaana ku aqbalay cod aqlabiyad ah.

Xamse Cabdi Barre ayaa xilka kale wareegay Ra’iisulwasaarihii hore dalka Injineer Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo lagu xasuusto doorkii uu ku lahaa qabsoomidda doorashada dalka heer federal, xilli caqabado badan ay ku gadaanaayeen in ay ku qabsoonto waqtigii loogu tago galay in ay ku dhacdo.

Ra’iisulwasaarihii hore oo ka hadlay sida ay u dhacday munaasabadda ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay muddadii uu joogay xafiiska oo aheyd laba sano”Ku dhawaad 2 sano oo aan ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaan maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre. Muddadii aan xafiiska joogay waxaan xoogga saarnay in ay dalka ka dhacdo doorasho si nabad ah ku soo dhammaata, joogteynta adeegyada dowladda, amniga iyo la tacaalidda abaaraha dalka ka jira”. ayuu yiri Ra’iisulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo maanta xilka wareejiyay.

Ra’iisulwasaaraha xilka la wareegay Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa u mahadceliyey, Ra’iisulwasaarihii xilka ka wareegay, waxaauu tilmamay inuu soo qabtay shaqo adag” Waxaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqadii adkeyd ee uu dalka u soo qabtay iyo sidii uu u soo maamulay howshii doorashada dalka isagoo ay caqabado badani hor yaalleen. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu soo qabtay howl wanaagsan oo ay taariikhdu xusi doonto. Waxaa kaloo bogaadin iyo ammaan mudan dhammaan Ra’iisul Wasaareyaashii iyo hoggaannadii dalka soo maray oo midba uu wax ku soo daray geeddi-socodka dowladnimada dalkeenna”. ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo xilka lagu wareejiyay.
Goobjoog News