U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Tababar Ciidan Ugu Soo Xiray Dugsiga Turksom+Sawirro

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.
Madaxweynaha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.
“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo bandhigay khudbadda uu u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dalka laga saaro Al-shababaab, lana xoreeyo deegaannada ay ka kaga sugan yihiin dalka, kuwaas oo dhaca gobollo badan oo kale duwan.
Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.
Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.May be an image of 14 people, people standing and outdoors
May be an image of 9 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and outdoorsMay be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of 9 people, people standing and outdoors
May be an image of 1 person and standing
May be an image of 7 people, people standing and outdoorsMay be an image of 5 people, people standing and outdoorsMay be an image of 6 people, people standing and outdoorsMay be an image of 9 people, military uniform and outdoorsMay be an image of 1 person, standing and outdoorsMay be an image of 11 people, people standing and outdoors
May be an image of 1 person, standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and outdoorsMay be an image of 11 people, people standing, military uniform, outdoors and text that says 'KOMUTANLIĞI'May be an image of 6 people, people standing and outdoorsMay be an image of 10 people, people standing, military uniform and outdoorsMay be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoorGoobjoog News