Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo War Kasoo Saartay Dibadbaxyada Mucaaradka
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo shir gudoomiyey kulan ku saabsan xoojinta Amniga, kaas oo ka dhacay Harheysa, ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Banaanbaxyo waaweyn oo dhowaan ay qorsheynayaan taageerayaasha xisbiga WADANI,kaas oo looga soo horjeedo xisbiga talada haye ee Kulmiye laguna dalbanayo doorashada.
Wasiirka Kaahin ayaa qoraak uu soo saaray kulanka uu la qaatay saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kale duwan ammaanka lagu xusay in cid weliba oo ku lug yeelata Banaanbaxyada lagu wado in laga qaadi doono tallaabo sharci ah sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ciidanka looga baahan yahay in har iyo habeen u is is taagaan ilaalinta nabadgelyada Shacabka.
War-saxaafaddeed kasoo baxay shir maanta ka dhacay xarunta wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, kaasi oo ay kasoo qaybgaleen, wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Warfaafinta, taliyayaasha ciidamada kala duwan, iyo maayarka Caasimadda Hargeysa, waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan la filayo in ay gobollada Somaliland ay Bannaanbaxyo ka dhacaan.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, Cabdiramaan Maxamed Xuseen Cirro ayaa waxaa uu taageerayaashiisa ugu baaqay in ay sameeyaan isku soobaxyo waaweyn, kaas oo looga soo horjeedo xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaana mucaaradku ku eedeeyeen in aysan diyaar u aheyn in doorashada madaxweynaha ay ku dhacdo waqtigii loogu talo galay.
Goobjoog News