Howlgalladii Ugu Dambeeyay Gobolka Hiiraan iyo Ciidanka oo Hub Soo Bandhigay
Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan ciidanka xoogga dalka iyo Macawisleyda in howlgallo ay ka wadaan gudaha iyo nawaaxiga deegaan Teedan oo ciidanka isgarabsanay ay Shalay Al-shabaab ay kala wareegeen.
Ciidanku waxay baareen goobihii ay deganaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo isaga baxay deegaanka markii ay ka war heleen in ciidanku ay ku soo wajahan yihiin, iyagoo ka hor bixitaankooda qarxiyay Ceelbiyoodkii ku yaallay deegaanka.
Howlgalka ka socda gobolka Hiiraan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaa Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye iyo Maxamed Cabduqaadir Maxamed, waxaana hoggaaminaya howlgalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan .
Ciidanka la wareegay deegaanka Teedan ayaa sidoo kale gaaray deegaannada kala ah Ragso,Xasan Raqay,Sulmo oo hoos taga degmada Maxaas, iyagoo soo bandhigay hub ay sheegeen in ay ka furteen Al-shabaab, kadib howlgalkii ay qaadeen.
Saraakiisha horkacaysa howlgallada ka socda deegaan waqooyiga gobolka ayaa waxaa ay sheegeen in ay sii wadayaan ilaa Al-shabaab laga saarayo gobolka Hiiraan iyo deegaannada dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ay kaga sugan yihiin.
Alshabaab ayaa deegaanno dhowr ah oo lagala wareegay oo dhaca gobolka waxaa ay ka jareen isgaarsiinta iyagoo qarxiyay sidoo kale Ceelbiyoodyadii dadku ay cabayeen, taas oo dadka deegaanka iyo xoolaha ku keeni karta xaalad soo wajahda.
Goobjoog News