U bood dhigaalka

Askari Qof Shacab ah Ku Dilay Degmada Afgooye

Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federalka uu wiil dhallinyaro ah uu ku dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolkaas.

Askariga ayaa la sheegay inuu wiilka ku dilay goob Ceel biyood ah, waxaana la ogeyn sababta keentay in uu dilka u geysto, marxuumka la dilay oo kamid ahaa dhallinyada laga yaqaano degmada Afgooye.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu koobay Looyan Dhagajun, askarigii dilka  geystay ayaa goobta isaga baxsaday, ciiidanka ammaanka oo gaaray ma sheegin cid loo qabtay dilka wiilka dhallinyarada ah.

Rag ku labisan ciidan dowladda ayaa badanaa waxaa ay geystaan dilal ay kala kulmaan dadka shacabka, waxaana marar badan dhacday in sidaan oo kale askari uu dilo qof shacab ah , kuwaas oo waxba galabsan.

Goobjoog News