U bood dhigaalka

Shir wadareedka golaha Wasiirada oo Muqdisho ka furmay

Ogoosto 23, 2022
Waxaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho ka furmay kulan wadareedka golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah Soomaaliya.
Kulanka oo ay goobjoog yihiin xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Dan-qaran, ayaa looga hadlay qorshayaasha dowladda iyo howlaha hortabinta leh.
Waxaa sidoo kale kulanka ka soo qaybgalay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo mas’uuliyiin kale.