Ra’iisulwasaare Xamsa oo gaaray Baladweyne
				Sheeko:Dalka			
			 
		Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Xamsa Cabdi Barre, ayaa goordhaw gaaray garoonka Ugaas khaliif ee magaalada Baladweyne.
Socdaalka ra’iisulwasaaraha ayaa salka ku haaya sidii uu ugu kuur gali lahaa xaaladda deeganada gobalka Hiiraan, abaarta iyo xaaladda dagaalada ah ee lagula jiro ururka alshabaab.
Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa magaalada Baladweyne ku soo dhaweyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan.
 
  
  
  
 