U bood dhigaalka

Itoobiya: UNICEF oo cambareysay duqayn lagu dilay carruur

Sheeko:Dalka

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Carruurta UNICEF, ayaa si adag u cambaareysay weerarka duqaynta ah ee lala beegsaday xannaano ku taalla gobalka Tigrayga.

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa duqaynta xannaanada ku dhintay oo ay ku jiraan laba carruur ah, waxaana ka dhashay qasaaro burbur hantiyadeed ah.

Duqaynta ka dhacday magaalada Mekele ee gobalka Tigrayga ah ayaa ku soo adeyso maalma kadib markii uu dib u qarxay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo ciidamada dowladda.

“UNICEF waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka cirka ah…(kaas) oo lagu weeraray xannaano, oo ay ku dhinteen dhawr carruur ah, qaar kalena ku dhaawacmeen,” ayay agaasimaha fulinta ee UNICEF Catherine Russell ku tiri farriin ay soo dhigtay Twitter-ka.

TPLF ayaa sidoo kale sheegtay in duqaynta ay oo ka dhacday xaafado kala duwan ay ku dhinteen dad fara badan, waxaana ay sheegeen in ay bilabayaan iska caabin ka dhan ah dowladda.

Goobjoog News