U bood dhigaalka

Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Libya

Sheeko:Amniga

Inta la xaqiijiyay labaatan iyo saddex qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kalena ay ku dhaawacantay kadib markii uu dagaal ka dhex qarxay dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Liibiya.

Dagaalka oo ka bilaabmay xaafadaha magaalada caasimadda ah ee Tripoli, ayaa la sheegay in uu socdo saacada fara badan, waxaana foodda isku saaray dhinacyada isku haya siyaasadda Liibiya.

Qaramada midoobay ayaa ugu baaqday in dhinacyada is-haya ay yimaadaan miiska wadahadalka, wax walbana lagu dhameeyo fadhi.

Safiirka maraykanka ee Liibiya, Richard Norland, ayaa dhankiisa taageeray baaqyada ka soo baxaya saaxiibada caalamka, waxaana uu faray in dhamaan dhinacyada ay ku soo noqdaan miiska wadahadalka.

Tripoli, ayaa waxaa ku sugan tahriibayaal Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay in ay bilaabeen in isaga baxaan gudaha magaalada.

Goobjoog News