Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda Yaaqshid oo Muqdisho lagu dilay
Sheeko:Dalka
Allaah u naxariistee waxaa xalay gudaha magaalada lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii siyaasadda maamulka degmada Yaaqshid Macallin Xuseen (filla-wayne).
Dilka guddoomiyaha ayaa yimid kadib markii qarax loogu xiray gaari uu watay oo marayay xaafadda Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan.
Cabdullaahi Shiillow oo ah guddomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Yaaqshid ayaa xaqiijiyay geerida Allaah u naxariiste guddoomiye ku-xigeenkii siyaasadda maamulka degmada Yaaqshid Macallin Xuseen (filla-wayne).
Laammaha ammaanka ee Booliiska ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxaana xaafadda ay ka sameeyeen baaritaanno ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay dilka.
Goobjoog News