U bood dhigaalka

TPLF “waxaan dagaalameynaa dagaal difaac ah”!

Sheeko:Dalka

TPLF ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadllo ay la gasho dowladda federaalka ah ee Itoobiya, balse ay sii wadayaan dagaalka inta ay xoojinayaan gacan ku haynta gobalka dhaca waqooyiga dalka ee Tigreega.

Shan bilood kadib xabad joojinta ay galeen labada dhinac ayaa dib uga qaraxday gobalka 24kii Ogosto, waxaana markale ciidamada Itoobiya iyo jabhadda TPLF ay foodda isku saareen dagaal cusub.

“Waxaan la dagaallameynaa dagaal difaac ah” “waxaanu weli u furannahay wadahadal”, ayuu yiri afhayeen u hadlay fallaagada Tigray, Getachew Reda.

Reda, ayaa sidoo ku eedeeyay ra’iisulwasaaraha Itoobiya in uu xumaynayo xiriirka TPLF iyo wada xaajoodyada lagu dhalinayo nabadda.

“Abiy wuxuu sii wadaa inuu sameeyo xisaabin khaldan ka dib xisaabin khaldan isagoo sii waday inuu soo diro xoojin. Waan sii wadi doonnaa dhexdhexaadinta iyaga, taas oo malaha noo sii wadi doonta oo aan galno gobolka Axmaarada,” ayuu Reda.

Goobjoog News