Madaxweyne Qoorqoor oo Booqday Cadakibir, Isaga Baaq u Diray Shacabka Isabaabulay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dadka deegaanku ay ka bilaabeen abaabul ka dhan ah Al-shabaab, kadib markii deegaanka laga gubay Ceelbiyoodkii dadka iyo duuyadu ay ka waraabi jireen.
Axmed Cabdi Kaariye ayaa warbixinno ka dhageestay gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga dhiciyaan Al-shabaab , waxaana xusid mudan in Al-shabaab asbuucii tagay ay dab qabadsiiyeen Matoorkii Ceelka Cadakibir.
Madaxweyaha Galmudug ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Al-shabaab aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, sida uu hadalka u dhigay looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan maamul goboleedka Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku ammaanay shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay Al-shabaab iska dhiciyaan, deegaanka oo uu ka bilowday abaabul dadka shacabka ah, ayaa waxaa horay u booqday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaanno Galmudug ah.
Deegaanka Cadakibir iyo deegaanno kale oo hoos taga degamada Baxdo ayaa dhowaan Al-shabaab waxaa ay ka gubeen Ceelbiyoodyada iyo Barkadaha biyaha lagu keydsado, iyaga oo sidoo kale ka jaray isgaarsiinta, waxaana markaas kadib bilowday abaabul ay bilaabeen dadka deegaanka iyaga oo taageero ka dalbaday Federalka.
Goobjoog News