U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhoweeyeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo xubno kale.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horay u soo gaaray caasimadda, waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shirka wadatashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo isugu yeeray madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa dhankooda lagu wadaa in ay soo garaan magaalada Muqdisho, shirka arrimaha ugu waaweyn oo looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah arrimaha amniga dalka iyo xaaladda Abaaraaha taas oo dad iyo duunyo saameysay.

Goobjoog News