U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax lagu dilay Nabaddoonno

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha  iyo dib u heshiisnta Dowlada Federaalka, ayaa cambaareysay qarax miino ah oo lagu dilay habeennimadii xalay Nabaddoonno socdaal ku marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Buula burde iyo Baladweyne ee gobalka Hiiraan.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay aad uga xuntahay weerarka lagu dilay dhaqanka, sidoo kalena ay tacsi u direyso ehelka iyo asxaabta ay ka baxeen dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay.

Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay weerarkaan in uu ahaa mid Shirqool, ay maleegeen ururka alshabaab, waxaana ay sheegtay wasaaradda in ay ka xuntahay dowladda Soomaaliya