U bood dhigaalka

Madaxweynihii hore ee Kenya oo loo magacabay Ergayga Nabadda ee Congo iyo Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto ayaa u magacabaay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta Ergayga Nabadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Itoobiya.

Uhuru ayaa horay qayb uga noqday dadaallada nabadda ee labada dal, kuwaas oo la tacaalaya fallaagooyinka soo cusboonaday iyo dagaallada ka socda Congo iyo Itoobiya.

William Ruto oo todobaadkii hore la wareegay xafiiska madaxweynaha dalka Kenya, ayaa sheegay in uu Uhuru Kenyatta ka aqbalay xilka uu u magacaabay.

Kenyatta ayaa bishii April ee sanadkaan, marti geliyay kulan ay miiska wadahadalka isugu yimaadeen madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi iyo qaar kamid ah hoggaamiyayaasha kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallada bariga dalka Congo.

Hogaamiyayaasha Bulshada Bariga Afrika ayaa intaa ka dib ku heshiiyey in ciidamo goboleed la geeyo bariga DRC si loo soo celiyo jawigii caadiga ahaa ee gobolka.

Bishii Nofembar ee sannadkii hore, Kenyatta ayaa booqday Itoobiya si uu uga shaqeeyo dadaallada nabadda iyo isu keenida dowladda iyo jabhadda Tigrayga.

Baaqyada nabadeed ee DRC iyo Itoobiya ayaa isa soo taraya, balse dhinacyada isku haya ayaa weli isku afgaran la’ qodobada laga hadlayo iyo cidda shir guddoomin doonta geeddi-socodka nabadda.

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay magacaabista Kenyatta, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan ​​sidii nabad waarta looga dhalin lahaa labada dal.

Goobjoog News