Xildhibaanno Ka Tirsan Federalka oo Gaaray Dhuusamreeb iyo Ujeedka Safarkooda
Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta gaay wafdi ay hoggaaminayaan Xidhibaan Yusuf Geelle Ugaas iyo Xildhibaan Omar Ali Abdi, waxaana siweyn loogu soo dhweeyay garoonka, iyaga iyo ciidan la socday oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka iyo waftiga gaaray Dhuusamareeb ayaa u jeedka safarkooda lagu sheegay dardargelinta abaalka ay ciidanka dowladda iyo dadka deegaanku ay ka wadaan gobolka Galgaduud, iyaga oo ku wajahan deegamada Ceelbuur,Ceel-garas iyo Ceel-lahelay oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada oo iskood isku abaabulay ayaa waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan bariga gobolka Gakgaduud, kaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana iyaguna u jeedkoodu yahay gaaritaanka degamada Xaradheere iyo deegaannada hoos taga.
Xildhibaannada gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ku biirayaan xildhibaanno wasiirro kale oo horey u gaaray gobolka, kuwaas oo Galmudug iyo deegaannada ku matala, waxaana gobolka ku sugnaa wasiir ku-xigeenka warfaafinta federalka Cabdiraxmaan Alcadaala iyo xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.
Goobjoog News