Madaxweyne Guudlaawe oo ATMIS Kala Hadlay Ka Qeybgalka Howlgallada Ka Socda Hirshabeelle
Sheeko:Arrimaha Amniga

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa uu kulan la qaatay Taliyaha guud ee ciidamada hawlgallada ciidamada midowga Afrika ee ATMIS Gen Ndegeya Diomede oo uu wehliyo iyo Taliyaha Secter five ee ciidanka howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.
Kulankaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha, taliye Ku xigeenka iidanka booliska Hirshabeelle, taliyaasha guutooyinka 3aad iyo 4aad ee ciidanka XDS, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo Lataliyaasha Xafiiska Madaxweynaha ayaa looga hadlay arrimaha amniga, howlgallada ka socka
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la wadaagay taliska ATMIS Gen Ndegeya Diomede in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalla ka dhanka ah Al-habaab ee ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah Hiiraan iyo shabeellaha dhexe, iyagoo la wareegay dhul badan.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay si dardar leh uga socdaan Hiiraan, kaas uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana ay Al-shabaabay kala wareegeen deegaanno dhaca bariga iyo galbeedka gobolka oo meelaha qaar lagu dagaalamay.
Goobjoog News