U bood dhigaalka

Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qaadanaya tababar kor loogu qaadayo hufnaanta howlgallada

Sheeko:Dalka

Tababar socon doona muddo todobaad ah oo kor loogu qaadayo hufnaanta maamulka hantida booliiska ayaa uga furmay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeyb galaya toban sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliye  oo ka socda waaxda saadka, tababarkaan kobcinta awooda waxaa ka taageeraya Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee hoos imaanaya barnaamijkeeda Dib-u-habaynta Booliska, Dib-u-habaynta iyo Horumarinta.

Daah-furka tababarka ayaa waxaa si wada jir ah u gudoominayay Maj. Gen. Mohammed Dore oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.

kaaliyaha taliyaha booliska ATMIS Maxwell Chikunguru, ayaa xusay in hagaajinta isla xisaabtanka hantida booliiska iyo yaraynta khasaaraha iyo si xun u isticmaalka ay fure u tahay hufnaanta guud ee hawlgallada booliiska.

“Koorsadan inta badan waa in lagu baro ka qaybgalayaasha aqoonta, xirfadaha, qiyamka iyo dabeecadaha si ay si hufan  u maareeyaan hantida iyo saadka ciidanka booliiska Soomaaliyeed,” ayuu yiri ACP Chikunguru.

Goobjoog News