U bood dhigaalka

Ingriiska oo maanta Ra’iisulwasaare yeelanaya

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa la filayaa in maanta oo Isniin ah ay yeelato ra’iisulwasaare Cusub kadib markii dhawaan ay iscasishay Liz Truss.

Xoghayihii hore ee maaliyadda Ingiriiska Rishi Sunak &  Penny Mardaunt oo ah Guddoomiyaha Aqalka Hoose, ayaa ah labada musharax ee maanta u tartameyso kursigaan.

Dalkaan barwaaqo sooranka ah ayaa daganaasho siyaasadeed la’ muddooyinkii la soo dhaafay, waxaana muddo sanad gudahiis ah uu dalka yeelanayaa Ra’iisulwasaarihii saddaxaad.

Hadaba waa kuma labada musharax ee maanta tartamaya?

Rishi Sunak

42-sano jirkaan ayaa ku dhashay Southampton, sanaku markii uu ahaa  1980 May 12, waxaana uu xilal kala duwan uu ka soo qabtay dowladda

Rishi Sunak, ayaa horay u soo noqday wasiirkii maaliyadda ee dowladda Ingriiska, waxaana uu xubin ka yahay xisbiga Conservative-ka., waxa uuna ka tirsana golahii wasiirada ee Boris Johnson.

Penny Mardaunt

49-sano jirtaan lagu magacaabo Penny Mardaunt, ayaa ku dhalatay Torquay ee Ingiriiska, waxaana ay ka tirsan tahay xisbiga Conservative-ka.

Haweeneydaan ayaa ah guddoomihaha aqalka hoose ee Baarlamaaanka Ingiriiska, waxa ayna filaysa haddii ay hesho kalsoonida in ay badasho Liz Truss.

Goobjoog News