U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday Iskaashi dhinaca Booliiska ah

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar iyo dhiggiisa dalka Ethiopia General Damelesh Garbamichel ayaa magalada Addis Ababa ku kala saxiixday iskaashi Amniga ah iyo sare u qaadista tababarada aqoonta Boliiska labada dal.

Iskaashigaan ayaa dhigaya in labada dhinac ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhinacyada aammaanka iyo tababarada booliiska.

Waxaana heshiiskaan uu sidoo kale ku soo aadaya xilli ay dhawaan dhinacyada sirdoonka ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis dhinaca sirdoonka ah.