Somaliland oo diiwaangelinta codbixiyayaasha bilaabaysa dhamaadka Sanadka 2022
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in dhammaadkan bishaan ay billaaban doonto diwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada, iyadoo ay weli taagan tahay khilaaf u dhexeeya xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada kale ee UCID iyo WADANI oo ku saabsan dib u dhaca doorashada iyo muda kororsiga loo sameeyay xukuumada madaxweyne Biixi.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in diwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada ay bilaaban doonto 28-ka bisha December ee sanadka 2022-ka, balse lama sheegin xilliga la soo gabagabeyn doono.
Mudda xileedka madaxweynaha Somaliland ayaa ku ekaa bishii ina dhaaftay ee November waxaana dib u dhaca uu ku yimid doorashada madaxtooyada.
Si kastaba ha ahaatee, golaha guurtida ayaa mudda kororsi laba sano ah u sameeyay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ay si wayn uga soo horjeesteen xisbiyada Mucaaradka .
Somaliland ayaa qabatay sanadkaan doorashooyinka baarlamaanka iyo golaha deegaanka May 2021 ka dib dhowr jeer oo dib u dhac uu ku yimid tan iyo markii baarlamaanka markaas la doortay 2005.
Goobjoog News