U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda Maraykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay xoghayayaasha Difaaca iyo Dibadda ee dowladda Maraykanka.

Xasan Sheekh oo Maraykanka u jooga ka qaybgalka shirka Mareykanka iyo Madaxda Afrika ayaa kulan doceedkaankan la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Xoghyaha Difaaca ee Maraykanka.

Kulanka ayaa looga hadlay Xasiloonida Gobalka, Isku xirka arrimaha gargaarka bini’aadanimada iyo arrimo kale.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar  Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo wadajir loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, Madaxda ayaa wada jir u xoojiyey qorsheyaasha lagu lafa-gurayo Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, gaar ahaan in lagu garab istaago dowladaha Soomaaliya hiigsigeeda horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga, isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Mawduucyada:Gobollada