U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray Xaaladda Laas-caannood

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Somaliland in xalka aan xabbad lagu raadin oo loo dhimriyo shacabka.

Xasan Sheekh oo ka hadlay dadka shacabka ah oo au ciidamada Somaliland ay ku dileen shantii maalin ee la soo dhaafay magaalada Laas-caannood ee gobalka Sool, ayuu ugu baaqay maamulka Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Muuse Biixi in xalka aan xabad lagu raadin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida ku timid shacabka, isagoo alle uga baryay kuwa ku dhaawacmayna in uu eebbe u booga dhayo.

“Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Soomaaliland inxal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah bulshada Caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka oo u heellan fashilinta dhagarta argagixisada, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab.