Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe oo guddi farsamo magacaabay
Sheeko:Dalka
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2022/12/Guddoomiye-Aadan-Madoobe-Xudur-768x512-1.jpg)
Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeyo hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.
War ka soo baxay xafiiska guddomiyaha ayaa lagu sheegay in guddigaan oo ka kooban todoba xubnood ay ka shaqeynayaan fududeeynta hawlaha shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.
Guddiga ayaa sidoo kale la faray in ay si degdeg ah u soo gabagabeyan hawsha loo igmaday.