U bood dhigaalka

Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe oo guddi farsamo magacaabay

Jannaayo 2, 2023

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeyo hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

War ka soo baxay xafiiska guddomiyaha ayaa lagu sheegay in guddigaan oo ka kooban todoba xubnood ay ka shaqeynayaan fududeeynta hawlaha shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Guddiga ayaa sidoo kale la faray in ay si degdeg ah u soo gabagabeyan hawsha loo igmaday.