U bood dhigaalka

Maraykanka oo Hub, gaadiid iyo saanad ciidan ku wareejiyay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 9 milyan oo dollar oo isugu jirta hub, gaadiid, agab caafimaad iyo agab kale ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya (SNA), kadib munaasabad maanta ay ka qeyb galeen wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo safiirka Mareykanka Larry André.

Marka laga soo tago hubka culus, agabka waxaa ka mid ahaa baabuurta taakulaynta iyo dhismaha, agabka xeer ilaalinta, agabka dayactirka gaadiidka iyo hubka. Sahayda ugu badan ayaa la gaarsiinaya Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug si ay u taageeraan Ciidamada XDS.

“Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ka gaareen ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Al-Shabaab,” ayuu yiri danjire André. “Kani waa olole ay hormuud ka tahay Soomaali . Maraykanku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkaaga.”

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa u mahadceliyey dowladda Mareykanka, isagoo yiri “waxaan dowladda Mareykanka u gudbinaya  mahadcelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada dagaalka. ka dhanka ah argagixisada. Taageeradan ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah ciidamadeena annagoo kor u qaadayna awoodooda la dagaalanka al-Shabaab.”

Wasiirka ayaa waxaa xafladda ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage.

Hubka oo ay ku jiraan qoryaha fudfudud iyo kuwa culculus ayaa waxaa lagu soo iibiyay dhaqaalaha ay bixisay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka. Waxaa lagu calaamadeeyay oo la diiwaan geliyay iyadoo la raacayo siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, oo loogu talagalay in lagu xisaabtamo laguna xakameeyo hubka ku dhex jira ciidamada amniga Soomaaliya iyo hubka lagu qabto furimaha dagaalka.

Ogeysiinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa fulinaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo xiriir dhow la leh Xafiiska Iskaashiga Amniga ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho iyadoo la raacayo go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Hubkan ayaa lagu taageeri doonaa guutooyinka XDS iyo Danab oo ay ku jiraan guutooyin hadda ka qeyb qaadanaya howlgallada ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug. Hubka ayaa si weyn u kordhin doona dhimashada iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada XDS iyo Danab ee ka qeyb qaadanaya howlgalladan.

Goobjoog News