U bood dhigaalka

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka iyo Hay’adda IHH oo deeq raashiin ah gaarsiiyay dad danyar ah

Sheeko:Dalka

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee Sodma iyo Hey’adda IHH ee laga leeyahay wadanka turkiga ayaa maanta si wadajir ah deegaanka gubadleey ee gobolka Banaadir waxa ay gargaar ugu qeybiyeen 883 qoys kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa deganadoodii uga soo barakacay abaaro iyo colaado.

Dadkaan gargaarka maanta la gaarsiiyey ayaa  bilooyin ka hor soo deegaansaday kamam ku yaal deegaankaan,waxana ay hataan wajahayeen xalad adag oo dhanka nolasho ah iyaga oo ka mahadceliyey gargaarkaan maanta loo qeybiyey waxaana qaar kamid ah dadkaan ku jiray kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.Goobta lagu qeybinayey gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Hey’adda maareynta masiiboyinka  ahmed abdi aadan ,agaasimaha waaxda gargaarka sahra ali yuusuf,Guddoomiyaha degmaaanka gubadleey abdullaahi nuur kaalibeey,saraakiil katirsan IHH iyo masuuliyin kale.

Mid kamid ah masuuliyiinta Hey’adda IHH ee dalka turkiga ayaa sheegay in ay ka go,antahay una taaganyihiin caawinta walaalahood soomalaiyed meel walba oo ay jogaan.

Guddoomiyaha deegaanka gubadleey abdullahi nuur kaalineey ayaa sheegay in dadkaan maanta gargaarka loo qeybiyey aad ugu baahi qabeen isaga oo u mahadceliyey Guddoomiyaha Hey,adda maareynta masiiboyinka  qaranka maxamuud macalin abdulle,iyo Hey’adda IHH.

Guddoomiye ku xigeenka Hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka   ahmed abdi aadan  ayaa kawarbixiyey gargaarkaan tirada qoysas ee ka faaiideystay,balana qaaday in meel walab oo dalka ka mid ah ay gargaarkaan gaarsiin donaan.