U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Daahfuray Tartanka Qu’aan Akhriska Degmooyinka Gobolka Banaadir

Sheeko:Waxbarashada
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta furay wajiga 3aad ee tartanka Qu’aanka Kariimka oo ay ku tartami doonan 60-tartame oo ka kala socda Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir kuwaas oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal.
Tartankan oo lagu maamusayo bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa furitaanka wareegiisa 3-aad waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Xildhibaano katirsan BFS, madax ka socotay wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS iyo qaar kamid Culuma Udiinka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay ahmiyada ay lee dahay in lagu tartamo Qowlka Alle, isagoo sheegay in abaalmarino ay ku farxaan ay heli doonan tartamayaasha kaalmaha kore ka gala tartanka Qur’aanka Kariimka.
Tartankaan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay tartannada laga qabanayo gobolka iyada oo lagu maamuusayo bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana guddoomiyaha uu sheegay, in ay ka qeybgalayaan arday ka kala socota 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, isaga oo intaas raaciyay in tartamaha ku guuleysta uu heli doono hedyad uu ku farxidoono sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir.
Goobjoog News