U bood dhigaalka

Ardayda Dugsiyada Sare Ee Baladweyne oo Imtixaanka Shahaadiga U Fariistay

Sheeko:Waxbarashada

Waxaa Maanta oo Sabti ah Imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiga sare  u fariistay ardyada ku nool magaalada Baledweyne oo uu horay kaga baaqday Imtixaanka, kadib Fatahaadii uu dhawaan ka sameeyay wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne.

Ardayda Maanta u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare ee ku yaala magaalada Baledweyne ayaa tiradooda lagu sheegay 1,535 arday oo wax ka barata dugsiyada sare ee ku yaala Baledweyne, sida laga soo xigray bahda waxbarashada ee gobolka.

“Waxaan ogeysiineynaa ardayda magaalada Baledweyne ee imtixaankoodi uu u baaqday fatahaaddii uu sameeyey webiga shabeelle in ay galayaan Imtixaanka 8-da Luulyo 2023. Waxaan rajeyneynaa in aad la shaqeysaan kor meerayaasha, saraakiisha iyo ilaaliyeyaasha imtixaanka, una hoggaansanaataan shuruucda loo dajiyey” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare.

Si kastaba Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2022/2023 ayay dowladdu qaaday 27-kii bishii May ee sanadkaan 2023 ayaa dugsiyada magaalada Baladweyne waxaa ay galayaan laba bil kadib, sababo la iriiray fatahaadihii dhowaan ka dhacay magaalada uu sameeyay Wabiga Shabeelle.