U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta oo Agab Waxbarasho Gaarsiisay Iskuul Ku Yaalla Degmada Hodan

Sheeko:Waxbarashada

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa Maanta Mu,asasada Imaamu Shaafici ku wareyjisay Agab waxbarasho oo muhiim u ah ubadka Soomaaliyeed ee iskuulkaas wax ku barto.

Agabka xaruntaas hay’adda maareynta gaarsiisay waxaa kamid ah kuraas,miisas iyo agab xafiiseed waxaana guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle agabkaan uu ku wareejiyey maamulka sare ee Mu,asasadaas,iyaga oo u mahadnaqay SoDMA.

Sidoo kale Guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee iskuulkaas faraciisa Degmada Hodon ,waxaana socdaalkaan ku wehliyey masuuliyiin ka kala tirsan hay’adda maareynta,iskuulka imaamu shaafici iyo xubno katirsan hay’adda Alraxma oo agabkaan hore ugu soo wareejisay hay’adda SoDMA.

Dhanka kale Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa sheegay in ka hay’add ahaan ay ka go’antahay caawinta iyo kalameenta goobaha waxbarashada .

Ugu dambeyn Agaasime ku xigeenka qeybta waxbarashada Mu,asasada Imaamu Shaafici Cabdikariin Xaaji Saalax ayaa deeqdaan uga mahadnaqay hay’adda SoDMA.

Sikastaba ha ahaatee hey’adda hey’adda maareynta qalabka ay gaarsiisay  Iskuulka ayaa waxaa ka taageereysay hey’adda Alraxma, waxaana dhowaan furmi doonna sanad waxbarsheedka 2023 2024 oo ardaydu iskuullada ay u dhaqaaqi doonaan bisha soo aadan ee August.

Goobjoog News