Qarax Ismiidaamin ah oo Lgu Qaaday Xero Ciidanka Xoogga Ku Leeyahay Muqdisho
Qarax la sheegay inuu ahaa Ismiidaamin ayaa ka dhacay xero ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida la warinayo.
Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegayaa inuu ciidamo ku sugnaa xerada kulyadda Jaalle Siyaad ee ku taalla Wadadda Warshadaha uu isku qarxiyay , waxaana kasoo baxay faahfaahinno dheeraad ah weeraraasi.
Weerarkaan lagu qaaday ciidanka ayaa kusoo aadaya xilli taliska xoogga dalka uu ku jiray diyaar garowga Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo dowladdu ku dhawaaqday in dhowaan la qaadi doono.
Kulyadda Jaalle Siyaad ayaa dhowaan waxaa ka baxay ciidanka midowga Afrika, waxaana degan ciidanka ka tirsan guutada 14-ka October, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska xoogga dalka oo ku aadan qaraxa dhacay.
Goobjoog News