U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Diray Farriin Hoggaamineed oo Looga Hortagayo Fariimaha Jihaadiyiinta.

Sheeko:Qormooyin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlay 7 sano guurada qaraxii Zoobe ayaa faahfaahiyay khasaaraha dhinac walba leh ee ay Shabaab maalintaasi geysteen isaga oo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya ay ka duulayso mabaa’dida diinta Islaamka halka fikirka Shabaab uu yahay mid gurracan, oo wax baabi’in ah, ayna ka go’antahay ciribtirkooda.

Khudbadda madaxweynaha oo aheyd mid la soo agaasimay oo u qeybsaneyd wajiyo kala duwan, ayaa diraysay fariimo ah in dowladda Soomaaliyeed ee uu hogaaminayo ay u taagan tahay difaacidda diinta iyo dalka.

Ugu horreyn, waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in ay maalintaas ay Al- Shabab dilleen caruur, cirroole, waalid, ganacsade iyo danyar, culimo, caamo, qaranjoog iyo qurbjoog iyo dhammaan qeybaha bulshada, waxaa kale oo uu soo qaatay qaraxyada ay ka heystaan magaalooyinka dalka mid Kismaayo, Galkacyo, Hargeisa, Baydhaba, Afgooye, Muqdisho iyo meelo kale.

Madaxweynaha oo horay u sheegay in dagaalka Al-shabab ay saldhig u tahay saddex qidad oo ay ka mid tahay la dagaalanka fikirka, ayay khudbadaan waxay u noqoneysaa tuusaale wacan oo tiirkaa xoojinaya, iyada oo tusaalooyinka, tixraacyada iyo cidda uu la hadlayo ay ahaayeen dadkii u nuglaa farriima Shabaab.

Marka laga tago hadalka iyo aayadaha uu soo jeediyay madaxweynaha, waxaa muuqaalkiisa laga dheehan karay in u uku jiro halgan iyo dadaal dib u xorreyn oo ka mashquuliyay isqurxin iyo la bis, waana fariin dadweyne in hogaamiyaha uu ekaado xaalada uu ku jiro, iyo dadka uu hoggaaminaya in uu ka mid noqdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh, arrimaha uu hoosta ka xariiqay waxaa ka mid ahaa in Al-shabaab ay la dagaalamayaan nafta aadanaha isaga oo soo xigtay Aayado Qur’aanka Kariimka ah, oo dhammaan muujinaya in kooxdaasi ay  si gardarro ah ku dileen dad maato ah, oo aan waxba galabsan, iyo aayado kale oo ka hadlay in guusha u dambeyndoonto  dadka Mu’miniinta ah ee xaqa ku taagan iyo sida ay u bannaan tahay in la iska dhiciyo, oo laga difaaco dhiigga dadka Soomaaliyeed iyo diinta.

Aayadaha waxaa ka mid ahaa:

مَن قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا ۚ

وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ

أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa uu farriimo kala duwan oo u muuqday guubaabo iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro Shabaab u diray ciidamada qalabka sida, siyaasiyiinta, culimada iyo shacabka Soomaaliyeed.

  • Farriinta Ciidanka: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ciidamada qalabka sida iyo Macawisleyda ku sheegay naftood hureyaal uu qaranka ku dhisan yahay dhididkooda iyo in ay xambaarsan yihiin  ammaano halgamayaal hore u horeen naftooda  ugu huray dalka iyo diinta, waxaa uuna ku dhahay “Nin lagu seexdow ka seexan, xilbaa sitaa ee ha seexan”.

Madaxweynaha waxaa uu u ballanqaaday ciidamada in uu kula noolaan doono safka hore ee Jihaadka, la qeybsan doono farxadda guusha iyo xanuunka, ummaddana ay garab u noqdaan, kaalintooda la xusuusan doono, loona maamuusi doono qaabab kala duwan sida dalacsiin iyo billado IWM. Kuwa ku jira dagaallada beelaha waxaa uu kula taliyay in ay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah Shabaab, oo ay ka barbar dagaalaan ciidamada xoogga dalka, isaga oo si cad u sheegay in aan la aqbali karin wax ka sokeeya jihaadka.

  • Fariinta Culimada: Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu u mahadceliyay culimaa udiinta Soomaaliyeed isaga oo bogaadiyay kaalinta ay ugu jiraan gulufka socda, waxaa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii xoojiyaan dadaalka, oo ay tagaan jiidaha hore ee ciidanka, ayna guubaabiyaan.
  • Farriinta Siyaasiyiinta: Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh waxaa uu siyaasiyiinta kala duwan kuwa xilka haya, soo qabtay ama doonaya uu uga mahdceliyay  aragti dheerida, la isla gartay dabargoynta fikirka, isaga oo soo jeediyay in wixii khilaafaad ah ee jira lagu dhameeyo wadar ogol iyo wadajir, oo la siyaasadeyn dagaalka ka dhanka ah Khwaarijta
  • Farriinta Shacabka Soomaaliyeed: Ugu dambeyntii waxaa uu shacabka ugu baaqay sabar iyo in ay garab istaagaan dadaallada socda, waxaa uuna hadalkiisa kusoo gabogabeeyay “Maanta guul noogama dhowa ee aan is racino”.

Khudbadda madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isku jirtay dagaal gelin, bandhig iyo kolsooni dhis dadweynaha Soomaaliyeed loogu sheegayay dowladda ayaa idinku matali karta diinta.

Goobjoog News